Qaraxyo Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa xalay qaraxyo miino oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Badbaado iyo sidoo kale deegaanka KM-13.

Qarax ka dhacay xerada barakacayaasha Badbaado ee degmada Dharkeenley ayaa la sheegay in la galiyay goob maqaayad ah oo shaaha laga cabo, waxaana xilliga qaraxa dhacayay goobtaasi ku sugnaa dad kala duwan.

Dad ku dhaw shan qof oo halkaasi ku sugnaa ayaa qaraxaasi la sheegay in ay ku dhinteen halka tiro kalana ku dhaawacmeen, waxaana dadka waxyeelada xoogooda soo gaartay la tilmaamay in shacab u badnaayeen.

Qaraxa kale ee ka dhacay deegaanka KM-13 ayaa la sheegay in hareeraha laamiga lagu aasay lalana eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo halkaasi marayay, qaraxaas ayaa isna la sheegay in khasaaro ka dhashay .

Qaraxyada miino ee la galiyo hareeraha waddooyinka ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhawwaan qarax miino oo ka dhacay degmada Dayniile lagu dilay sargaal katirsanaa milatariga Soomaaliya iyo askari la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -