Sidee Hotelada Muqdisho uga dhaqan galay amarkii ka soo baxay Wasaaradda amniga?

Maamulayaasha iyo Milkiilayaasha hotelada magaalada Muqdisho ayaa bilaabay gelinkii dambe ee maanta fulinta amarkii ka soo baxay wasiirka amniga gudaha Somalia ee sheegayey inaan la qaban Karin kulamo siyaasadeed oo aan fasax mlooga heysan wasaarada amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Hotelo ku yaalla magaalada ayaa laga kala dareeriyey xildhibaano iyo odayaal ku shirsanaa, kuwaasoo lagu amray iney la yimaadaan warqad fasax ah oo ka soo baxday maamulka gobolka ama wasaarada amniga.

Xildhibaano mucaarad ah oo maanta ku kulansanaa hotelka SYL ah ayaa markii qadeeyeen ka dib waxaa maamulku hotelka uu ku wargeliyey iney joojiyaan kulan ay halkaas ku yeelan rabeen sababo la xiriira amarka ka soo baxay Wasaarada amniga.

Xildhibaanadii laga saaray hotelka SYL ayaa markii dambe u dareeray xarunta gudoonka baarlamanka ee Villa Hargeysa oo hotelka aan wax badan ka fogeyn.

Sidoo kale kulamo odayaal ka tirsanaa beesha habar gidir uga socday hotelo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa la joojiyey ka dib markii milkiilayaasha hotelada ay ku shirayeen ka dalbadeen iney fasax soo qaataan.

Milkiilayaasha hotelada ayaa ka cabsi qaba in ganacsiga laga xiro haddii ay iska dhegamariyaan amarka Wasaarada amniga, taasoo ku qasabtay iney iska joojiyaan kulamada looga soo horjeedo dowlada.

Kulamada ka socday hotelada ayaa ahaa kuwo looga fal celinayey xarigii xalay ciiidamada dowladu kula kaceen siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo dowladu ay sheegtay iney soo taageyso Maxkamad ka dib markii lagu eedeeyey dembiyo ay ka mid yihiin Qaran dumis, u adeegid dowlado shisheeye oo uu lacag ka soo qaatay iyo abaabulka kulamo lagu duminayo dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -