(Akhriso) Tirada dadka 24kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymaha Gaza

Weerarrada Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 107 qof 165 kalena waa lagu dhaawacay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin

Wasaaradda caafimaadka ayaa intaa ku dartay in guud ahaan 27,238 falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza 66,452 kalena lagu dhaawacay tan iyo 7-dii October.

Dhawr ka mid ah dhimashada ayaa laga soo sheegay magaalada ugu xigta dhanka koonfureed ee Rafah, halkaasoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in xaaladdu ay tahay mid halis ku ah rayidka oo aan heysan meel kale oo ay u qaxaan.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Jens Laerke, ayaa muujiyay “walaaca qotoda dheer ee ururku ka qabo xaalada goobtaas.

Khan Younis waxay la kulantay kor u kac weyn oo dhanka dagaalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Wasiirka Difaaca Israel Yoav Gallant uu sheegay Khamiista in howlgalka halkaas ka socda uu sameynayo horumar iyo natiijooyin la taaban karo.

Gallant ayaa ballan qaaday in milatariga Israa’iil ay “dhawaan gaari doonaan” Rafah oo ah xadka Masar iyo Gaza.

- Advertisement -