Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka iyo UK oo Puntland ka taageeraya la dagaalka Argagaxisada iyo Burcad-badeedka

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo saraakiil kale ayaa  magaalada Nairobi kaga qayb galay shir ku saabsan la-dagaallanka Argagixisada, burcad-badeedda iyo Tahriibta.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay sidii dowladaha Puntland, USA, UK iyo Germany isaga kaashan lahaayeen la-dagaallanka Argagixisada, burcad-badeedda iyo Tahriibta sida uu sheegay Taliska Booliska Puntland.

Shirkaas waxa Taliyaha Booliska ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda PISF, Gen. Amiin Xaaji Kheyr, ku-xigeenka Waaxda Denbi-baarista CID ee Booliska Puntland G/Sare Abshir Xuseen, iyo La-taliye ka tirsan Ciidanka Booliska Muuse Geelle.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxo argagaxiso ah oo saldhig ka dhigtay dhulka buuraleyda ee Bari iyo sidoo kale kooxo burcad badeed ah oo mararka qaar afduub u geesta maraakiib iyo doonyo ku safra biyaha Soomaaliya.

Related posts

Wasiir suuxdin la dhacay ka dib markii lagu wargeliyey in xilka laga qaaday

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo safiir u magacaabay Siyaasi caan ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Weerar Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---