Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray gogosha wadahadalka uu fidiyay Madaxweyne Deni

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa soo dhaweeyay gogosha wadahadalka siyaasadeed uu magaalada Garawe fidiyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sheekh Shariif ayaana sheegay in gogosha wadahadalka xilligan uu muhiim yahay, isaga oo tilmaamay xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiim sanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada,

”Waxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Puntland Diciid Denii xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne hore ee Shariif ayaana rajeeyay in gogosha Garawe ka qabsoomi doonto, madaxda ka soo qayb gasha ay ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Gogosha fidsan magaalada Garawe ayaa lagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, waxaan gogoshaasi looga hadli doonaa khilaafka siyaasadeed ee xilligan jira.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo daahfurtay Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheeko Jaceyl: Dhimasho ayaan ka Xigaa in aan dib kusoo Jeclaado!!(Qeybta 3 aad)

Cabdi Cade

Qiso yaab leh oo ku xeeran wiilkii galabta sababay Guusha kooxda Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---