Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madaxda ugu sarreysa dalka Talyaaniga (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane, Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Mss, Giorgia Meloni.

Xasan Sheekh ayaana madaxda ugu sareysa dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo dowladda Talyaaniga taageero weyn u siin laheyd dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa dhankooda soo dhaweeyay dedaalo ay wado dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna u ballan-qaadeen taageero iyo garab istaag.

Dowladda Talyaaniga oo horey usoo gumeesatay Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha reer Glabeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga dalkeena ka fuliyeen mashaariic kala duwan oo hurumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada PSF oo sameeyey howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish (Sawirro)

Caydiid Ali

Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad waxbarasho oo qaaliya u haya qurbajoogta Soomaliyed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo War Xasaasi ah kasoo saartay Go’aankii Kenya (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---