Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo dhigtay gogol looga hadlayo arrimaha Somalia & Deni oo faahfaahiyey

Madaxweyne Saciid Abdullahi Deni ayaa  faahfaahiyey gogol ay Puntland dhigtay oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Deni oo shir jaraaid qabtay ayaa xusay in gogoshaas uu aqbalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

“Kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan waxaa looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe” ayuu yiri Deni.

Waxaa uu xusay in RW ku-xigeenka dalka loo xilsaaray diyaarinta ajendaha looga hadlayo gogoshaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dowladnimada Somalia iyo xaaladighii ugu dambeeyey geeska Afrika.

“Madaxweynaha dalka ayaa shaacin doona xiliga la qabanayo gogosha, waxaana ka soo qeyb galaya dhamaan madaxda dowlad goboleedyada iyo qeybaha bulshada” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

HOOS KA DAAWO HADALKA DENI

Related posts

Yaa Soomaaliya uga qeyb galay Shirka Madaxda Afrika ee ka dhacay Kigali (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxaa looga hadlay shirweynihii Macedonia ku yeesheen Jaaliyadaha Galmudug ee Yurub.?

Caydiid Ali

Xamse Barre oo caawa arrin yaab leh awgeed jidad muhiim ah loogu xiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---