Qarax kale oo habeenkii labaad ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo caawa fiidkii ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa yimid ka dib markii nin hubeysan oo bam gacmeed ku tuuray xarunta saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne oo ku dhex yaalla suuqa degmadaas.

Kala carar xooggan iyo khal khal ayaa ka dhacay suuqa qaraxaasi ka dib, waxaana deg deg loo xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay fureen rasaas aan sidaa u badneyn.

Ciidamada ayaa sidoo kale u soo baxay hareeraha saldhiga, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano iyo howlgalo lagu xoojinayo amniga, welilama oga khasaaraha uu geystay bamkaas lagu weeraray gudaha saldhiga.

Waa qaraxii 3aad ee muddo 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, xalayna xiligan oo kale ayeyna aheyd markii qof isa miidaamiyey uu isku qarxiyey dukaan lagu iibiyo Jalaatada oo yaalla wadada Airporka, halkaasoo uu ay ku dhinteen 8 qof, sidoo kale Maareeyaha dekeda Muqdisho ayaa ka badbaaday qarax miino oo gaarigiisa ku qabsaday degmada C/casiis, askar ka tirsan ilaaladiisa ayayna dhaawacyo ka soo gaareen.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa xumaaday 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaana dhacdooyinkan ay ku soo beegmeen xili uu sii kordhay maalmihii la soo dhaafay khilaafka u dhexeeya madaxda DF iyo musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -