Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo codsi xasaasi ah u diray Baarlamanka Puntland

Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka Baarlamanka ka dalbaday in ay mudda 45 cisho ah ugu daraan wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Warqad codsi ah uu saaka Siciid Deni u qoray guddoonka Baarlamanka ayuu kaga dalbaday in ay siiyaan wakhti kordhin 45 cisho.

Deni ayey wararku sheegayaan inuu dhawaan safar dalxiis ah ugu baxayo dalka dibaddiisa sidaas darteedna uu u dalbaday in la siiyo wakhti dheeri ah.

Baarlamanka Puntland weli kama jawaabin codsiga uga yimid Siciid Deni inkastoo la filayo iney aqbalaan dalabkan sida ay qabaan dadka u dhuun daloola siyaasada Puntland.

Related posts

Maamulka Taalibaan oo ku dhawaaqay in aan Jihaad loo aadi karin meel ka baxsan dalkooda

Cabdi Cade

Duufaan xoogan oo Khasaare ba’an ka geysatay gobol ka tirsan Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qarxisay Ceel biyood kuyaalla deegaan Dhawwaan laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---