Tirada Soomaalida lagu dilay sanadkii tagay dalka Koonfur Afrika  oo la shaaciyay

Dalka Koonfur Afrika ay kunool yihiin Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa loo geestaa dhibaatooyin badan oo isugu jira dil , dhac, iyo boob, waxaana dalkaasi sanadihii ugu dambeeyay noloshooda ku waayay boqolaal qof oo Soomaali ah.

Sanadkii tagay ee 2017-da ayaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay dad gaaraya 139-qof halka lagu dhaawacay 74 qof oo kale sida uu xaqiijiyay Cabdi Calas Guure oo ah  Gudomiyah jaaliyad south Africa Ee save Somali community

Cabdi Calas ayaa sheegay in tirakoob ay sameeyeen ku ogaadeen tirada sanadkan la dilay, waxa uuna intaa raaciyay in ay jiraan goobo kale oo dad Soomaali ah lagu dhibaateeyay balse aysan xog ka helin.

Dadka lagu dilay dalka Koonfur Afrika ayaa u badan dhalinyaro lagu dhax dilay goobahooda ganacsi, waxaa sidoo kale sanadkan dadka lagu dilay Koonfur Afrika ku jira dhoor haween ah oo iyana siyaabo kala duwan loo dilay.

Magaalada Cape Town ayaa noqotay halka ugu badan ee Soomaalida lagu dilay sanadkii tagay, waxaana deegaano magaaladaasi hoos taga lagu dilay 53 qof halka gobolka Gauteng isna lagu dilay 42 qof oo Soomaali ah.

Dadkii ka dambeeyay dilalka Soomaalida loogu geestay dalka Koonfur Afrika ayaa intooda badan baxsaday, waxaana wali Soomaalida kunool dalkaasi la kulmayaan halis uga imaaneysa kooxaha burcada ah ee u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday dalka koobaad ee lagu dilo Soomaalida kunool dalka dibadiisa, waxaana dalkan sanadihii lasoo dhaafay lagu laayay kumanaan Soomaali ah ma jirto  cid wax iska weediisay Soomaalidan lagu laayay Koonfur Afrika.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -