Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan Magaalada Doha ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka.

Waxaa uu ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili maanta Farmaajo uu soo dhigay bartiisa facebook qoraal uu ku dhaliilayo qorshe uu damacsan yahay Madaxweyne Xassan Shiikh kaasoo wax looga bedelayo dastuurka KMG ah ee DF

Related posts

Ukraine oo xaqiijisay Isku-daygooda lagu dili lahaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Raashiya

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay xariga Shiikh Mustafe Cali Caanood (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxay aheyd Qisadii cajiibka laheyd ee dhexmartay Ibliis & Nabi Dul-Kifli cs ?

admin
Taboola Ads ---