Shiikh Shariif iyo Farmaajo oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowlada Somalia

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka digay qorshaha Dowladda Federalka ee Dastuurka KMG ah kaasoo ay wadato madaxtooyada Somalia.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu yiri:-

‘Waxaan markhati maddoonta ah in dalkeenna uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag.

Waxaan si dhaw ula soconnaa khtaraha ku xeeran dadka Somaaaliyeed oo maanta u baahan in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, maanta waa fursad dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh.

Sidoo kale, Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo badqabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, sidii aan horey u ballan qaadnay waxaan diyaar u nahay inaan dowladda kala shaqayno difaaca dalka

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna ka soo horjeestay qorshaha DF ee ku wajahan wax ka bedelka dastuurka

Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed,  Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

- Advertisement -