Stefano Manservis iyo Masuuliyiin katirsan dowlada oo galabta tagay Soobe (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho  C/raxmaan Cumar Cusmaan ,Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga & Horumarinta Midowga Yurub Mr Stefano Manservisi ayaa galabta booqday Isgoyska 14-ka October oo ay isugu soo baxeen in ka badan kun Qof si ay ugu duceeyaan Walaalahooda sida xaqdarada ah loogu xasuuqay isgoys-gaasi sanadkii tagay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wafdigii Midowg Yurub ka socday ayaa ku dhiira geliyay shacabkii Isgoyska 14-ka October ku sugnaa iney sii xoojiyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed,islamarkaana meel uga soo wada jeestaan argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga & Horumarinta Midowga Yurub Mr Stefano Manservisi wuxuu ka hadlay dareenka ay soo bandhigeen shacabka Muqdisho,isagoona carabka ku dhuftay iney maanta ahayd maalin gaar ah oo la xusayo sanadguuradii koowaad ee fal danbiyeedkii lagu xasuuqay shacab isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga & Horumarinta Midowga Yurub ayaa sheegay iney farxad u tahay qeyb iney ka noqdaan isku soo baxaan shacabka ay ku diidan yihiin dhagarta ay kooxaha argagixisada u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho, Injineer Yariisow ayaa Midowga Yurub uga mahad celiyay garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed,isagoona ammaanay dadaalka loo galay in Soomaaliya isku tashato,caalamkana la tuso in Soomaaliya ahayn Soomaalidii hore.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta looga baroordiiqay dhacdadii xanuunka badneyd ee 14kii October sanadkii 2017, dhagar qabayaasha Al-Shabaab ay ku lahaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyskii Soobe oo hadda loo bedelay Isgoyska 14-ka October.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -