Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddaha oo gaaray Riyadh, lana kulmay.. (Daawo Sawirro)

Agaasimaga guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Adam Koofi oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda xiriirka dibadda ee heyadaas ayaa maanta Safar shaqo ku gaaray Dalka Sacuudi Carabiya.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isla maanta waxuu booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Ujeedada booqashada agaasimaha ee Safaaradda ayaa la sheegay iney aheyd u kuurgelidda habsami u socodka howlaha socdaalka iyo bixinta baasaboorka ee Safaarada Soomaalya ee Riyaad iyo Qunsuliyadda guud ee Jeddah.

Mudane Koofi ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay safiirka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sacuudiga Mudane Daahir Geelle, waxayna ka wada hadleen hab-raacyada socdaalka iyo bixinta baasaboorka.

Agaasimaha ayaa inta uu joogo Sacuudiga ka dhageysan doona bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Sacuudiga talooyinka ay qabaan ee la xariira baasaboorka iyo arimaha socdaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Liyu Boolis iyo dagaalyahanada Al-shabaab oo Madaafiic isweydaarsaday

Caydiid Ali

RW Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay la kulmay masuuliyiinta TPLF (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiye Sacdiyo oo culimada qaarkood u sharaxday hadalkedii muranka dhaliyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---