Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Villa Somalia oo War ka soo saartay Bayaankii ka soo baxay shirkii IGAD (Sawirro)

WAR SAXAAFADEED

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

Related posts

Deni: “Shirkan wuxuu ku soo aaday xili muhiim ah oo aad loogu baahnaa”

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Howlgal qorsheesan ku dilay Cabdi Xasan Deer

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ka diiday Uhuru Kenyata dalab la xiriira Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---