Xamse oo khudbad ka jeediyey Shirka J/Carabta ee looga hadlay damaca Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediey shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka oo ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xadgudubka gurracan ee dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Xamse Barre ayaa shirkan oo fogaan arag ahaa kaga hadlay halista uu heshiiskan u leeyahay geeska Afrika iyo dalalka Carabta.

“Tallaabada Itoobiya ku doonayso inay qaadato Badda Soomaaliya maaha mid keliya dhibaato ku ah Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya, balse waxay sidoo kale halis toos ah ku tahay Amniga iyo jiritaanka Qaramada Carbeed iyo Adeegsiga Marin-biyoodka Baab Al-Mandab” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadii shaaciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland .

Ku xigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaas qaban doono manta, 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA.

Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Morocco ay shir gudoomin doonto shirkaasi, isagoo intaa ku daray in go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageereen ilaa 12 dal oo Carbeed.

Waxaa uu sidoo kale xoojiyay taageerada uu ururka hore ugu muujiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraal hore uga soo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri “ma aqbali doonno” heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacadda Carabta, ayaa yidhi, “Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.

Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la gashay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb leh oo laga kireeyo halkaas oo laga dhisayo deked toos ugu xiriirsan Itoobiya iyo saldhiga ciidamada badda ee itoobiya ay yeeshaan.

Madaxda Somaliland waxay sheegeen in heshiiskaas ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka heleen Itoobiya oo ay balanqaadeen inay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiiskaas is afgaradka ah.

Heshiiskaas oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay in uu xad gudub ku yahay qaranimadeeda ayaa huriyey xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal ee dariskaa ka dib markii Soomaaliya si adag ugu jawabtay ficilkaas oo ay fariimo u dirtay Midowga Afrika, iyo ururu goboleedka IGAD.

Dalalka Maraykanka, UK, Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageersan yihiin midnimada iyo madaxbananida Qaranimada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA RW XAMSE UU KA JEEDIYEY SHIRKA JAAMACADA OO LUUQADA CARABIGA KU BAXEYSA

- Advertisement -