Doorasho Natiijada kasoo baxeysa inta badan lasii ogyahay oo maanta Kismaayo ka dhaceysa

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka bilaabato doorashada Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matali doona Jubbaland .

Doorashada xubnaha aqalka sare ayaana maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in Baarlamanaka dowlad goboleedka Jubbaland maanta doortaan afar sanetar oo maamulkooda ku matali doona Aqalka sare.

Magaalada Kismaayo ayaana xalay waxaa ka socday olole aan sidaa u xooganeyn ay wadeen qaar kamid ah musharaxiinta u taagan kuraasta aqalka sare , musharaxiinta ayaana xildhibaanada ka kasbanayay codadka.

Xubnaha ku tartamaya kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ku matalaya Jubbaland ayaa la sheegay in uu si gaar ah u wato Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana inta badan lasii ogyahay xubnaha kusoo bixi doona doorashada maanta.

Musharaxiinta la hubo in ay kusoo bixi doonaan doorashada aqalka sare ayaa waxaa kamid ah C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto oo labaduba horay Senataro u ahaa, C/risaaq Xasan Cusmaan iyo Ilyaas Badal Gaboose.

Doorashada Aqalka sare ee maanta ka bilaabaneysa magaalada Kismaayo ayaana furo u noqon doonta qabsoomida doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda kadib dhacday, waxaana la filayaa maamulada kale in iyana qabtaan doorashada xubnaha Aqalka sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -