Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga uu ku egyahay howlgalka Ciidamada AMISOM ee Somalia oo la shaaciyey

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa la cusbooneysiiyeyxiliga uu dhacayo, iyadoo la gaarsiiyey illaa 31-ka Diseembar, 2021

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ku warramay in go’aanka lagu kordhinayo howlgalkooda lagu qaatay is afgarad guud oo la isku raacsan yahay.

Golaha waxaa uu ku dhawaaqay sii kordhinta howlgalka si loo sii waddo dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada DF.

Midowga Afrika oo ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo gaaraya 22 kun oo askari ayaa la filayey iney todobaadyada soo socda si aan deg deg aheyn u bilaabaan ka bixitaanka Somalia.

Go’aanka lagu kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo loo diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qodob Farmaajo aad uga soo horjeedo oo laga yaabo in lagu bedelo Shirka Muqdisho

Cabdi Cade

Erdogan oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka qaado cunaqabateyn saaran

Cabdi Cade

Dowlada Sweden oo Somaliland ka hirgalineysa mashruuc aan faa’iido doon ahayn (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---