Dowlada Somalia oo shixnad Daawo ah ka dejisay Magaalada Baydhabo (Daawo Sawrro)

Wasiirka Tamarka iyo khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi la socday ayaa deeq Daawo ah gaarsiiyey magaalada Baydhabo oo shalay Al-Shabaab ay labo qarax ka fuliyeen.

Xildhibaan C/rashiid Gaboobe oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka qaybna ka ah wafdiga wasiirka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in iyagoo fulinaya amarkii Madaxweynaha ay tageen magaalada Baydhbo isla markaana ay booqdeen qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada ee la dhigay dadka dhaawacyada qaba.

“Anagoo ah wasiiro iyo xildhibaano waxaan fulineynaa amarkii Madaxweynaha dalka ee farayey inaan gurmad u fidino dadkii shalay Argagixisada ay ku xasuuqeen magaalada Baydhabo“ ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Gaboobe.

Waxaa uu sheegay iney magaalada Muqdisho  u soo qaadayaan dadka xaaladooda ay liidato si ay u helaan baxnaano fiican.

“Waxaan soo qaadeynaa dhaawacyada culus ee Baydhabo wax looga qaban waayey waxaan rabnaa inan keeno Muqdisho, waxaan la kulanay 47-dhaawac, qaarkood ayaa aad u daran”ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay, qiyaasstoo 30 kalena wey ku dhaawacmeen labo qarax oo shalay galab ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaasoo lala beegsaday goobo ganacsi oo ay shacabku ku badan yihiin, Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyada weeraradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -