Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo xiray xarunta ugu weyn Shirkadda Hormuud iyo Xildhibaano si adag …

Ciidamo katirsan hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa goordhaweyd xiray xarunta ugu weyn shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo kutaalla duuqa weyn ee Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in xarunta shirkadda tageen ciidamo katirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka kuwaa oo watay gaadiid nuuca dagaalka ah, ciidamada ayaana ku amray maamulka shirkadda in gabi ahaan la xiro xarunta.

Shaqaalihii shirkadda ee ku jiray gudaha xarunta Hormuud iyo dadkii kale ee macaamiisha ahaa ayaa laga soo saaray dhismaha shirkadda Hormuud, waxaana la sheegay ciidamada in ay diideen in la galo sidoo kale laga baxo xarunta Hormuud.

Dhinaca kale xildhibaanno katirsan golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka ciidamada NISA ku qaadeen xarunta hormuud iyo xarig shalay u geesteen shaqaale katirsan Hormuud.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in la weeraro xarumaha ganacsi laguna xad-gudbo, waxa ayna eedeyn xooggan u jeediyeen hay’adda NISA ay tilmaameen in ay ku xadgudbeyso nidaamka dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qaraxyo waaweyn oo ruxay bartamaha Magaalada Beirut (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga oo soo bandhigay hub ay ka qabsadeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka qeyb galay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---