Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo shaaciyey arrin ay Xukuumadiisu ahmiyad weyn siinayso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siinayso horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay dalladda Waxbarashada FPENS in  ay ka badbaadisay aqoon la’aan kumaankun oo ka mid ah ubadka Soomaaliyeed, isla markaana wax wayn ka badashay dhaqankoodii iyo noloshoodii.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumaddu ay dhiirigalinayso dalladaha ka shaqeeya waxbarashada dalka inay iska kaashadaan sidii kor loogu sii qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

Daladda Waxbarashada FPENS ayaa waxa aasaasay aqoonyahano Soomaaliyeed burburkii dowladdii dhexe ka dib, taasi oo noqotay madal lagu badbaadiyey waxbarshadii carruurta, isla markaana ay ka aflaxeen in ka badan 1 milyan oo arday Soomaaliyeed ah.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Safiirka Israel oo laga ceyriyey xarunta Midowga Afrika

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Jen. Xuud uu diyaarinayo weerar uu kula wareegayo Belad-weyne?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---