Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Magatte Guisse & Marwo Sanaa Omer

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Mudane Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ah ku-xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka.

Masuuliyiintan ayaa waxaa u dhamaaday mudo xileedkii ay ku joogeen Somaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Hay’adda UNHCR uga mahadceliyay shaqada wanagsan oo ay ka qabteen dalka.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda UNHCR  ay caawiso kumannaan Barakacyaal ah oo ku nool dalka gudahiisa, isagoona kula dardaarmay madaxda cusub ee imaan doonta in ay xoojiyaan caawinta Barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo qaxootiga ajaaniibta ah ee ku nool gudaha dalka.

Related posts

Madaxweyne Siciid Deni oo furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo qaaday talaabo kale ka dib ansixintii cutubyo ka mid ah dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada iyo maamul goboleedyada oo saxiixay Heshiiska Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade