Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Piem Mario Dacco

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Piem Mario Dacco’ Coppi.

Xamse Barre iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen kaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Talyaaniga oo horey usoo gumeestay Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga Soomaaliya ka fuliyeen mashaariic kala duwan ay ku jiraan kuwa horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo lagu eedeeyay in uu doonayo in uu xado Cilmi baarista Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Guddi hoosaadka golaha wasiirrada oo Shir muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Rajada Xasan Sheekh ka qabo in Mar kale Madaxweyne dalka ka noqdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---