Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Maraykanka oo duqeeyey saldhig Xarakada Al-Shabaab ku laheyd bartamaha Somalia

Taliska howlgalka Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa shaaciyey in dayuuradaha Mareykanka ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Somalia.

Qoraal AFRICOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 12kii bishan lala beegsaday xeryo tababar oo Al-Shabaab ay ku laheyd degmada Xarardheere.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas balse waxaa qoraalka lagu xusay iney wadaan qiimeyn ku aadan weerarkaas iyo khasaaraha loogu geystay Al-shabaab.

Maraykanka ayaa War-saxaafadeedka ku sheegay in iyagoo taageeraya ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan weerarada ay la beegsanayaan Al-shabaab.

Dowlada Maraykanka oo ay Soomaaliya ka joogaan boqolaal askari ayaa mudooyinkan kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiinn gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaad ka ogtahay Khilaafka ka dhex taagan xubnaha Madasha Xisibiyada Qaran?

admin

AKhriso: Macluumaad muhiim ah oo kaa caawin kara in aad ka badbaado xanuunka Corona

Cabdi Cade

Warqado sir ah oo laga helay Daacish oo shaki badan abuuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---