Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb & arrin Muhiim ah oo laga sugayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamreeb kaddib safar shaqo oo uu muddo uga maqnaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan labada gole, maamulka caasimadda iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa laga sugayaa inuu soo bedelo xubnaha laga saaray guddiga doorashada ee cabashada laga keenay, iyadoo uu yahay maamulka kaliya ee aan weli soo gudbin xubnaha la bedelay.

Dowlad goboleedyada kale ee Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey soo magacaabay bedelka xubnaha cabashada laga gudbiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -