Midowga Yurub oo iska difaaci doona Xayiraada Maraykanka ku hanjabay (Daawo Sawirro)

Dalalka Midowga Yurub oo soo geba gabeeyey kulan ay ku lahaayeen magaalada Sofia ee dalka Bulgaria ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan cunaqabateynta Maraykanka ku hanjabay.

Xiisada ka dhalatay go’aankii Maraykanka uga baxay heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayaa u muuqata inay sii kala fogeysay xulafadii Midowga Yurub iyo Maraykanka oo ku hanjabaya in uu cunaqabateyn saari doono cid walba oo xiriir ganacsi la sameysa wadanka Iran.

Dalalka Midowga Yurub oo iyagu qeyb ka ahaa heshiiskaasi lala galay Iran sanadkii 2015 ayaa iyagu sheegay inay ixtiraami doonaan heshiiskaasi, xili laga cabsi qabo in xayiraada cusub ee ganacsi oo uu Maraykanka saaray Iran ay saameyn ku yeelato shirkadaha laga leeyahay dalalka Yurub oo iyagu heshiisyo ganacsi la galay wadanka Iran.

 

Wadamada EU-da oo shir ku yeeshay magaalada Sofia dalka Bulgaria, labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin inay difaacaan heshiiskii Iran iyo waliba shirkadahooda ganacsiga laleh dalkaasi.

Xiisadan ayaa waxaa sii fogeeyey Lataliyaha cusub ee Donald Trump, Mr.John Bolton oo wareysi uu todobaadkan bixiyey ku sheegay in Maraykanka uusan ka waaban doonin inuu cunaqabateyn iyo ganaax dul dhigo shirkadaha laga leeyahay Yurub ee ganacsiga la sameeya Iran.

Madaxweynaha Golaha EU-da, Mr.Donald Tusk oo ka hadlayey shirkii ka dhacay Bulgaria ayaa si adag uga jawaabay hadalada kasoo yeeray Maraykanka isagoo sheegay in Midowga Yurub aan loo hanjabi karin, isla markaana yiri “…Hadiiba hadalada noocaan ah kasoo yeerayaan kuwii isku sheegayey saaxiibada Yurub (Maraykanka) yaaba Cadow kale u baahan….”

 

Tusk ayaa intaasi kusii daray in Dowlada Maraykanka iyo madaxa Washington ay u qabaan ciyaar ciyaar halka ay hada xiisadan mareyso.

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey inay dhaqan gelin doonaan shuruuc ay horey u sameysteen sanadkii 1996, kuwaasi oo ka xijaabaya shirkadaha reer Yurub ee ganacsigooda ay la leeyihiin Iran u isticmaala lacagta dollarka, si aan dacwad iyo ganaax uga iman Maraykanka.

Qaar kamid ah dalalka EU-da ayaa sidoo kale soo jeediyey in Midowga Yurub uu lacagtiisa Yuro (EURO) u isticmaalo ganacsiga Shidaalka ee kala dhaxeeya Iran, taasi oo dhalin karta xiisad horleh oo caalami ah.

Shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay Yurub sida; Airbus, Total iyo Maersk ayaa kamid ah kuwa hada heshiisyo ganacsi oo ku kacaya balaayiin dollar kula jiray wadanka Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -