Allbanaadir.com
NEWS

UK oo ka hadashay is-afgaradka dhexmaray dowlada Itoobiya iyo Somaliland

Dowlada UK ayaa ka hadashay Heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalka Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Waxay shaacisay inay ka walaacsan tahay xiisadaha ka cusboonaday geeska Afrika, isla markaana ay ixtirimaanayaan midnimada Soomaaliya, sida ay baahisay saafaradda dalkaas ee Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda UK ayaa sidoo kale dhinacyada ay khuseyso ugu baaqfay in khilaafkooda si nabadeed u xalliyaan kana fogaadaan wax kasta oo carqadaleyn kara nabada gobolka.

UK ayaa ka mid ah dalalkii ugu dambeeyay ee ka falceliyay heshiiskaas is-afgarad isla markaana cadeeyay mowqifkooda aaddan arrintan.

Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskaas ku saabsan deked ay Itoobiya hesho iyo aqoonsiga Somaliland, waxaa isasoo tarayey falcelinneda ka imanayey qaar ka mid ah waddammada beesha caalamka iyo gudahaba.

Related posts

Wadahadal Shaki Badan Abuuray oo Dhax maray Farmaajo iyo Sheikh Tamim Bin Hamad

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Cumar Filish oo Hadiyad Gudoonsiiyay Duqa magaalada Durban (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---