Bannaan bax weyn oo maanta dhacaya Duqa Muqdisho oo baaq u diray shacabka

Waxaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhaco bannaan bax balaaran oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda Itoobiya ku dooneyso in qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya ku qaadato.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay isugu soo baxaan bannaan bax looga soo horjeedo heshiis beenaadkii dhax-maray maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

“Dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho waxaan ugu baqayaa in ay kasoo qeyb galaan Banaanbax Bari ka dhici doono Gobalka Banaadir si aan u muujino dareenkeena ka dhanka ah xadgudubka iyo hishiis beenaadka dowlada Ethiopia ku dooneyso iney baddeena ku qaadato”.ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana si cad u sheegay in ay kasoo horjeedaan heshiiska la sheegay in ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya, waxa uuna cadeeyay in aysan oggolaan doonin in taako kamid ah biyaha Soomaaliya sharci-darro lagu qaato.

Bannaan baxa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in dad aad u badan kasoo qeyb galaan, kuwaa oo muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay u diidan yihiin in Itoobiya xoog ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -