Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Puntland oo la magacaabay

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada cusub ee maamulka Puntland mudane Xasan Cabdalla Xasan ayaa Saakay magacaabay guddiga doorashada guddoomiyaha golaha Wakiillada Puntland iyo kuxigeennadiisa.

Qoraal uu goordhaw soo saaray guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka cusub ee Puntland ayuu ku magacaabay xubnaha guddiga doorashada guddoonka golaha Wakiilada oo ka kooban 7 xubnood.

Guddigan cusub ee qaban qaabinaya doorashada guddoonka golaha wakiillada Puntland ayaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame, waxaana la filayaa in guddigan soo saaraan habraacyada doorashada guddoonka golaha Wakiillada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashogi oo lagu xiray..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Goordhaw soo saaray War Saxaafadeed uu kaga hadlay ….

Cabdi Cade

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo saakay xaaskiisa ku dishay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---