Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Jubbaland oo tababar u soo xirtay ciidamo Kumandos ah oo ilaalin doona..

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa tababar u soo xiray Urur cusub oo kamid noqonaya Ciidanka Madaxtooyada dowladda Jubbaland.

Waxaa Munaasabada goob jog ka aha Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo xubno kale

Ciidankan ayaa bilihii lasoo dhaafay qaadanayey tababar adag oo isugu jiray Tabaha iyo Xeeladaha looga hortago Kooxaha loogu yeero Argagaxisada ah iyo sidoo kale qaabka loo ilaaliyo ammaanka masuuliyiinta iyo xarumaha muhiimka ah sida Madaxtooyada Jubbaland.

Muddadii ay Ciidanka cusub  tababarka ku jireen ayaa waxaa ay kororsadeen xirfadaha lagama maarmaanka u ah ciidan sidan oo kale muhiim u ah.

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa u hambalyeeyey ciidankan, isagoo kula dardaarmay iney waajibaadkooda u gutaan si hufan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Aabbe muddo 22 sano ah baadigoobayay wiilkiisa oo laga xaday !(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Erdogan oo saddex arrin oo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

Meydadka Muwaadiniin Soomaali ah oo laga helay goob ganacsi, iyagoo gubtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---