Allbanaadir.com
NEWS

Xubno kasocda Beesha Caalamka oo gaaray magaalada Dhuuso Mareeb

Waxaa goordhaw magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta rasmiga ah ee maamulka Galmudug gaaray xubno kasocda beesha Caalamka uu hogaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating .

Xubnahan ka socda beesha Caalamka ee gaaray magaalada Dhuuso Mareeb waxaa sidoo kale kamid ahaa Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, xubno ka socda IGAD, Safiirka dowlada Itoobiya iyo xubno kale.

Wakiiladan Beesha Caalamka ka socda waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Dhuuso Mareeb xubno katirsan maamulka Galmudug, waxa ayna magaaladaasi u tageen ka qeyb galka Munaasabada lagu dhameestirayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mari sharaf kala duwan ayaa ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb kuwaa oo iyana ka qeyb galaa munaasabada heshiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Israa’iili ah oo xog siinayay Sirdoonka Iran oo la qabtay

Cabdi Cade

(Sawirro) Somalia oo hal arrin tusaale ugu noqotay dalalka soo koroya ee caalamka

Caydiid Ali

Askar la sheegay iney ka soo goosteen Cabdirashiid Janan oo tiradooda la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---