Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad ku dhaw xarunta maamulka…

Qarax ismiidaamin ah oo si weyn looga maqlay jugtiisa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaayada Al Hindi oo kutaalla dhabarka dambe ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Ninka waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay afaafka hore ee maqaayada Al Hindi oo kutaalla dhabarka dambe ee xarunta gobolka Banaadir, waxaana maqaayadaasi inta badan fadhiista dad shacab ah iyo shaqaale dowladeed.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay maqaayada Al Hindi, waxaana goobta qaraxu ka dhacay ku sugan oo howlgalo kawada ciidamada ammaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu damacsanaa in uu weeraro xarunta maamulka gobolka Banaadir balse ku fashilmay, waxaa sidoo kale laamaha ammaanka raadinayaan dad kale oo la tuhmayo in ninkaasi la socdeeen.

Waxii warar kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Ing. Yariisow iyo danjire Michael Keating? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Sagaal Shardi oo lagu xiray musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed

Caydiid Ali

Qaybta 1aad :- Maxay tahay Qisada mudan in lagu cibro qaato ee qabsatay Nebi Aadam CS?

admin
Taboola Ads ---