Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

(Akhriso) Isku aadka Ciyaaraha dowlad goboleedyada ee maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa Jimcaha maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya. Afrikada bari saacaddu markay tahay 3-da galabnimo, waxaa tartankaasi lagu daah furi doonaa kooxaha metelaya maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.

Tartankan ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayaa magaalada Muqdisho, oo ah halka uu ka dhici doono kulankaasi.

Tartanka sanadkan waxaa ka qeyb galaya shan kooxood oo kala ah Galmudug, Hirshabelle, Juballand, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa aan ciyaareyn oo tartankan ka maqan arrimo siyaasadeed awgood maamulka Puntland. Afarta kooxood ee ugu dhibcaha badan ayaa u soo gudbi doona wareegga afar-dhamaadka halka kooxda ugu dhibcaha hooseysa ay ka hari doonto tartanka ah mid is wada arag ah

HOOS KA AKHRISO ISKU AADKA TARTANKA

Related posts

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay Hantidhowraha Qaranka oo lagu eedeeyay…

Cabdi Cade

Shirkada Isgaarsiinta Dalka oo si adag uga hadlay Hanjabaadii Wasiirka Isgaarsiinta (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxkamada sare ee Yurub oo riday xukun ka farxiyey Qaxootiga qaarada ku nool

Caydiid Ali
Taboola Ads ---