Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

Ciidamada booliiska maamulka Khaatumo State ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu dil geestay.

Howlgal ay ciidamada booliiska ka sameeyeen magaalada Laascaanood ayey kusoo qabteen Gacankudhiigle Cabdi Oog Maxamed Abokor, kaa oo ku eedeysan uu dilay marxuum Cabdiraxmaan Cawil Daahir.

Ninkan dilka geestay ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado gacanta laamaha ammaanka, waxaana xog booliiska siiyeen shacabka magaalada horseeday in gacanta lagu dhigo gacankudhiiglaha.

War kasoo baxay taliska booliiska  Khaatumo ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilka geestay ayna horgeenayaan caddaaladda, waxa ayna xuseen in Laascaanood ka dhamaatay in uu baxsado qofkii dil geesta.

Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhowr dil oo ka dhacay gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay, waxaana qaar kamid ah dadkii dilalkaasi geestay lagu xukumo xukunno dil ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -