Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay heshiiska uu ansixiyey Golaha Wasiirada DF ee lala soo galay dalka..?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa lagu ansixiyey kulanka Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa dhaqan geli doona marka ay ansixiyaan labada gole ee baarlamanka Somalia oo ka doodi doona ka hor inta uusan saxiixin madaxweynaha dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee  da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq.

Related posts

Farmaajo oo Balan qaad u sameeyay Reer Galmudug iyo Xaaf oo la sharfay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gaari goor dhow ku qarxay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Xildhibaan Jeesow oo farta ku fiiqay cida ka dambeesay qaraxii uu ka bad baaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---