Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo is bar-bardhigay Netanyahu iyo Hitler iyo Netanyahu oo Jawaab carro leh bixiyay

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si kulul u weeraray Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxa uuna ficilada uu sameenayo ku tilmaamay mid lamid ah tii uu sameeyay hoggaamiyihii Jarmalka Hitler.

Erdogan oo ka hadlay munaasabad Turkiga ka dhacday ayaa sheegay in caalamka daawanayaan 80-maalmood oo si xaq-darro ah loo leynayo shacabka Falastiin ayna reer Galbeedka ku taageerayaal Yahuuda Israa’iil.

“Waxaan daawannay dhacdadii garoomada Naasiga Israa’iil ee xeryaha, sax? Waa shaqo caynkee ah tani? Waad ogtahay, inay si yaab leh uga hadli jireen Hitler. “Sidu kaga duwan yahay Hitler?” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Waxa uuna intaas kusii daray “Waa maxay farqiga u dhexeeya adiga iyo Hitler? Kuwani waxay noo for seedayaan inaan dib u eegno Hitler. Ma jiraan wax ka haray ficillada Netanyahu marka la barbar dhigo kuwii Hitler? Maya. Hitler ma ahayn nin taajir ah. Ninkani waa ka hanti badan yahay Hitler. Waxay taageero ka helaan reer galbeedka, dhammaan taageerada nooc kasta ah waxay ka timaadaa Maraykanka, dhammaan taageeradaas, waxaa lagu dilay in ka badan 20 kun oo reer Qasa ah. “Codka u taagan kuwa dulman waa codkii Turkida Muslimiinta ah.”

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay kaga jawaabay eedeynta kaga timid madaxweyne Erdogan , waxa uuna dhankiisa ku eedeeyay Erdogan in uu xasuuq u geestay Kurdiyiinta sidoo kale xir xiray wariyaal aad u badan.

“Erdogan oo xasuuq u geystay Kurdiyiinta, isla markaana heysta rikoorka adduunka ee xarigga suxufiyiinta ka soo horjeeda xukunkiisa, waa qofka ugu dambeeya ee na siin kara casharro akhlaaqeed”. ayuu yiri Netanyahu.

Madaxweynaha TUrkiga ayaa marar badan si kulul u cambaareeyay xasuuqa Israa’iil ka wado magaalada Gaza oo inta badan indhaha laga dabooshay, waxa ayna Israaiil muddo 80-cisho ah ku dishay in ka badan 20-kun oo shacab deganaa Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax Meyd lagu soo xiray oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed

Caydiid Ali

DF iyo QM oo ka wada hadlay arrin ku saabsan degaanada laga saaray Al-shabaab

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo dad fara badan Salaadii Ciida kula tukaday Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---