Allbanaadir.com
NEWS

DF iyo QM oo ka wada hadlay arrin ku saabsan degaanada laga saaray Al-shabaab

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato dib-u-dhiska dalka oo ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga,  siyaasadda iyo bani,aadantinimada.

Mudane Saalax ayaa  soo hadal qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in kaalmada QM ay siiso Soomaaliya la gaarsiiyo  deegannada laga xoreeyey Al-shabaab, kuwaasoo ay hadda xukuumadda ka wado dib-u-dejin iyo dib-u-dhiska.

Dhankeeda, Ms Laing ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sidii dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen barnaamijyada horutabinta u leh qorshaha xukuumadda, gaar ahaan xasillinta meelaha la xoreeyey.

Related posts

Haweeney Jaariyad ah oo si xun loogu dilay dalka Kuwait 

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada dalka?

admin

Madaxweyne Zelensky oo soo jeediyay qorshe xal u noqon kara dagaalka Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---