Allbanaadir.com
NEWS

Arday Muslimiin ah oo kunool dalka Ingiriiska oo lacag u ururinaya Shacabka Falastiin

Arday Muslimiin ah oo da’yar kuna nool magaalada Blackburn ee UK ayaa qeyb ka ah tartan kubadda cagta ah oo loo qabanayo ardayda iskuullada. Qorshahoodu waa inay lacag ugu ururiyaan Muslimiinta reer Falastiin ee ku nool Gaza.

Waxaa soo agaasimay dhacdadan  Hafiz Asif Iqbal iyoHanif Premi oo labaduba kamid ah jamaacada Masjidka Ghosia. Waxaana qeyb ka ah arday gaaraysa 100 oo ka kala yimid madrasado kala duwan.

“Ujeedkeennu wuxuu ahaa inaan midayno ardayda oo aan xoojinno isdhex-galkooda iyo dabcan kaalinta ay ka qaadan karaan wax-bixinta iyo samafalka,” ayuu u sheegay mid kamid ah qabanqaabiyayaasha wargeyska Lancashire.

Lacagaha kasoo xerooda cayaarahan waxaa loogu deeqi doonaa walaalaha Falastiin ee ciidamada  Yuhuuddu ay ku go’doomisay dagaal aan kala joogsi lahayn oo muddo  saddex bil ku dhaw socda.

Dad ka badan 20,258 oo qof oo 70% ay yihiin haween iyo carruur ayay ciidamada Yuhuuddu ku laayeen gumaadkii ay bilaabeen 7 October, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hadda la og yahay kasii bataan maadaam auu wali gumaadku socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo nin oo lagu dilay isgoys ku yaalla Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya oo Indhihiisa kusoo arkay Suuqii gubtay ee Waaheen (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Taalibaan oo ku dhawaaqay in aan Jihaad loo aadi karin meel ka baxsan dalkooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---