Allbanaadir.com
NEWS

Qodobka xasaasi ah ee laga bedelay dastuurka Maamulka Jubbaland

Golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 3-aad ee kalfadhigga 5-aad ayaa wax ka bedel ku sameeyey qodobka 35-aad farqaddiisa 1-aad ee dastuurka Jubbaland.

Qodobkan ayaa ka hadlaya kasooni siinta iyo kala laabashada golaha Wasiirada Jubbaland.

Kulanka oo ay xaadireen 53 Xildhibaan ayaa waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay wax ka bedelka qodobka 35-aad oo horay u dhigayey in golaha Wasiiradu ay codka ansixinta ama kalsooni kala noqoshada ay ku heli karaan si wadar ah.

Dood dheer kadib Xildhibaanada ayaa si gacantaag ah ugu codeeyey wax ka bedelka qodobkan, waxayna ansixiyeen in Wasiirada xilka looga qaadi karo si keli keli ah hadii loo baahdo.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Guddoonka Labada Aqal oo shaaciyay qabashada kulan Wadajir ah iyo arrimaha looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin la shaaciyay in Al Shabaab garab ku siinayaan dagaalka

Cabdi Cade

Ilhan Cumar Aabaheed oo geeriyooday iyo Warbaahinta Mareykanka oo shaaciyay in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---