Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Qarax mar kale lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda Hormuud

Qaraxa mar kale lala eegtay Gaari kuwa shidaalka qaada ah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa galabta ka dhacay xaafada Waxarcade Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inaysan jirin khasaaro nafeed oo uu sababay qaraxa, balse waxaa gabi ahaanba gubtey oo basbeelay booyada iyo shidaalkii ay waday.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood.

Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax lagu xirey gaari noociisa yahay Noah oo ay leedahay Hormuud uu ka dhacay isla degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimashada shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda ku leedahay degmada Heliwaa, halka sidoo kale dhaawacyo halis ah ay ka  soo gaareen hawl-wadeeno kale.

Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aad u soo batay waayadaan ayaa ilaa iminka inta la xaqiijiyey sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda, dhaawaca hawl-wadeeno kale iyo burbur hati.

Ila iyo hada lama oga sababta iyo cida beegsaneysa shirkadda isgaarsiinta mana jirto cid ay laamaha amaanka ay dowlada u soo xireen weeraradan.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka dalka Kenya u jooga Soomaaliya

Cabdi Cade

Daawo Video:-Kun askari AMISOM ah oo dalka ka baxaya & QM oo ku dhawaaqday in…

admin

(Daawo Sawirro) Taliyaha ciidanka XDS oo lagu soo dhoweeyey Garowe & xog ku aadan ujeedada Safarkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---