Allbanaadir.com
NEWS

Isimada SSC Khaatumo oo Shaaciyay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada Puntland Go’aana soo saaray

Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn arrimaha doorashada Puntland ee 2024.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay in aysan xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada SSC.

Go’aanka oo uu warbaahinta u akhriyay Af-hayeenka isimada dhaqanka SSC garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in aysan sii joogi karin 17-ka xildhibaan ee hadda ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Isimada ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan.

Waxay sheegeen in ay dhisteen maamulka SSC-Khaatumo oo ay ka madax-bannaan yihiin Puntland islamarkaana ka qayb gali karin doorasho maamul kale.

Related posts

(Daawo Sawirro) Qalbi Dhagax oo caawa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Dil Argagax leh oo goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Cabdi Cade

Jeneraal Xuud oo maanta imaanaya Muqdisho lana kulmaya Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---