Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Bakool oo soo saaray awaamiir ku socota shirkaddaha Dayuuradaha (Akhriso)

Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo soo saarey awaamiir ka dhan ah shirkadaha diyaaradaha, wuxuuna sheegey inaanu laga aqbali doonin shirkadii diyaaradeed ee shaqeynin ama baaqata cudur-dear la’aan laga saari doono route-ka Xudur.

Awaamiirtan ayaa yimid ka dib markii muddo ku dhow labo bilood aysan wax dayuurad ah ka degin magaalada Xudur sababo kala duwan awgood.

Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay nolosha shacabka magaalada Xudur oo Al-shabaab ay saareen go’doon iyo cuno qabateyn la xiriirta gaadiidka ganacsiga.

Xudur ayaa waxaa raashinka, dawooyinka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah lagu geyn jiray dayuuradaha ka baxa Muqdisho, waxayna arrintan keentay sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah.

Sidoo kale bukaano qaban xanuuno wax looga qaban waayey isbitaalada magaaladaas, dhaqaatiirtuna amreen in Muqdisho loo qaado ayaa halkaas ugu cadiban dayuurad la’aan halis gelisay noloshooda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Related posts

Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Meydadka laba Wiil oo saaka laga helay duleedka Gaalkacyo

Caydiid Ali

Nairobi Xoog Xamarna Xisaab: Guuldarrada Isballaarinta Dowlada Kenya !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---