Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka Aqalka Sare oo yeeshay kulan ay dhoor arrimood uga hadleen (Sawirro)

Guddoonka cusub ee Aqaka Sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay, waxa ayna kulankan guddoonka uga hadleen arrimo dhoor ah oo quseeya shaqadooda.

Kulanka ay yeesheen guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa looga hadlay arrimahan.

1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.
 
2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10aad.
 
3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3aad, Kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare.
Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ciida kaddib ay kulamo yeeshaan ayna guda galaan diyaargarowga doorashada Madaxweynaha iskana dhax magacaabaan xubnaha qaban qaabada doorashada ku matelaya.
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa yeeshay guddoon rasmi ah kadib doorashooyin ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana xildhibaanada labada aqal la filayaa in si wadajir ah u doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

DEG DEG: Dab goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno badan oo Daacish u qaabilsanaa lacag aruurinta oo la qabtay

Cabdi Cade

Sambalooshe oo hal arrin ku dhaliilay qorshada wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---