Doon ay la socdeen Masuuliyiin iyo dad kale oo saakay ku rogmatay magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay ay rogmatay doon ay la socdeen masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad kale oo la socday.

Sida aan wararka ku helnay Doonta oo ku dhax socotay Wabiga iyo goobaha ay biyaha ku fataheen ee  Baladweyne ayna la socdeen masuuliyiin ay kamid tahay Duqa magaalada Baladweyne iyo Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa mar qura ku gadoontay biyaha wabiga.

Shilkan ayaa waxaa ka bad baaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo Duqa magaalada Baladweyne, waxaana wali la layahay qaar kamid ah dadkii kale ee la socday doonta ay ku jiraan masuuliyiin.

Qaar kamid ah dadkii shilka ka bad baaday oo dabaashay ayaa dusha ka fuulay guryo iyo geedo kuyaala magaalada Baladweyne iyagoona dalbanaya in loo soo gurmado lana gar gaaro.

Waxaa socda gurmad loo sameenayo dadka ku maqan biyaha ku fatahay magaalada Baladweyne, waxaana halkaasi gaaray dooman iyo dadweyne badan oo baadi goob ugu jira dadka ku dhax maqan biyaha wabiga.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -