Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Xisbullah oo dhimasho iyo dhaawac u geysatay askar ka tirsan Milateriga Israel

Askari Israa’iili ah ayaa ku dhintay laba kalena waa lagu dhaawacay weerar ay diyaarad Drone ah ku garaacday ciidamada Israa’iil ee ku sugan deegaanka Margaliot ee u dhow xuduudka Lubnaan, sida ay sheegeen ciidammada Israa’iil.

Laba ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa laga soo tuuray dhulka Lubnaan: mid waa la qabtay, halka mida kalena ay ku qaraxday askarta difaaca Israa’iil sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Adm. Daniel Hagari.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo ka jawaabaya weerarkaas ay ku duqeeyeen Xisbullah bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

“Waan sii wadi doonnaa duqeymaha aan ku beegsaneyno bartilmaameedyada Xisbullah annagoo ka jawaabayna dhaqdhaqaaq kasta oo cadowtinimo oo ka dhan ah Israa’iil,” ayuu yiri Hagari.

Gelinkii hore ee Sabtidii, Xisbullah waxa ay baraha bulshada ku sheegtay in ay bartilmaansadeen goob ay ku sugnaayeen ciidammada Israa’iil iyag oo adeegsanaya diyaarad aan duuliye lahayn, iyada oo sheegtay in weerarka lagu taageerayo dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan marinka Qaza oo ciidamada Israel ay ka hayaan duqeymaha iyo xasuuqa.

Ugu yaraan lix askari oo Israa’iil ah ayaa lagu dilay aaga woqooyi ee Israel tan iyo markii Xisbullah ay bilaabeen weerarrada ay ka soo qaadayaan koonfurta Lubnaan 8-dii Oktoobar.

Related posts

Saciid Ciise: “Dastuurka ha lagu qoro in Somalia laga mamnuuco Saldhigyo ciidamo Shisheeye”

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kooxaha Gurmadka deg dega ee Muqdisho iyo Gaadiidka ay adeegsadaan oo …

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo ka xumaaday sida maanta loola dhaqmay Ciyaartoyda Qaranka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---