Shirkada DP World oo Dekad labaad ka dhiseysa magaalada Berbera

Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Berbera ee maamulka Somaliland waxa ay ka dhiseysaa dekad labaad oo la qorsheenayo in loo dhiso qaab casri ah.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland iyo Wasiiro katirsan maamulkaasi aya ala filayaa in goob joog ka noqdaan Munaasabada lagu dhagax dhigayo dekeda labaad ee Shirkada DP World ka dhiseyso magaalada Berbera.

Sida aan Wararka ku heleyno Dekedan labaad ee shirkada DP World ka dhiseyso magaalada Berbera ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiiskii ay horey u gaareen Somaliland iyo Shirkada DP World.

Shirkada DP World ayaa la wareegtay maamulka Dekeda weyn ee magaalada Berbera, waxaana heshiiska shirkadan kula wareegtay Dekeda Berbera qeyb ka ah dowlada Itoobiya oo saami badan ku leh wax soo saarka dekada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -