Dadka kasoo jeeda Qaarada Afrika oo Fiiso la’aan ku tagi kara dalka …

Dowlada Itoobiya ayaa is badal ku sameesay qaabkii ay dalkeeda kusoo gali jireen dadka kasoo jeeda Wadamada Afrika, waxaana talaabadan cusub ay qaaday dowlada Itoobiya si weyn usoo dhaweeyay dad badan oo Afrikan ah.

Dalka Itoobiya ayaa markii hore dadka doonaya in ay tagaan waxa ay fiisaha dal ku galka ka qaadan jireen safaaradaha dalalkooda ku yaala, hasa ahaatee hada waxa ay ka qaadan karaan garoonka diyaaradaha ee dalkaasi.

Madaxweynaha Itoobiya Dr Mulatu Teshome ayaa sheegay Itoobiya hirgalineyso sanadkan in dadka kasoo jeeda Wadamada Afrika ay fiisaha ka qaataan garoonka diyaaradaha loona fududeeyay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Itoobiya in muhiim tahay in la hirgaliyo qorshahan lana fududeeyo socdaalka wadamada Afrika dhaxdiisa, waxa uuna ugu baaqay Wadamada kale ee Afrika in ay fiisaha u fududeeyaan dadyowga Afrika.

Tallaabbadan dhinaca socdaalka ay dowlada  Itoobiya qaaday waxay keeneysaa iney waddamada Afrika xiriirkooda dhinacyada dhaqaalaha iyo dalxiiskaba ay sii xoojiyaan iskuna socdaalaan.

Midowga Afrikana ayaa dajiyey iney waddamada qaaraddana Afrika muwaaddiniinta u dhashay dal Afrikaan ah ay Fiisaha dal ku galka ay weydiin karaan oo keli ah ilaa iyo 2023-ka, wixi xilligaa ka dambeeyana muwaaddiniinta waddamada qaaraddu Fiisa la’aan ay waddankeey doonaan ku soo geli karaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -