Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay guddiga Amniga Doorashada Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan magacabista  Guddiga Amniga Doorashada.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Deni ayuu ku magacaabay guddiga amniga doorashada Puntland oo ka kooban 7-xubnood, waxaana guddiga guddoomiye looga dhigay wasiirka AMniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Halkan ka akhriso wareegtada madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:

1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)
2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)
3. S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)
4. S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)
5. S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)
6. S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)
7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay Deegaan dhawwaan Al Shabaab weerareen (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo hada ka socda guriga Gudoomiyaha golaha shacabka

Cabdi Cade

Tirinta Codadka wareega labaad oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---