Ciidamo gadoodsan oo xirtay laamiga dheer ee taga Magalada Boosaaso

Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo gadoodsan ayaa mudda laba maalmood ah xirtay degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa joojiyay isku socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso halkaasoo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan gadoodsan ay mushahar la’aan ka cabanayaan ka dib markii wax xuquuq ah aysan ka helin maamulka Puntland muddo dhowr bilood ah.

Maamulka Puntland iyo kan gobolka Bari ayaan weli ka hadlin cabashada ciidankan iyo arrimaha la xiriira gadoodka ay sameynayaan.

Shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada Puntland ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka cabanayey mushahar la’aan saameyn adag ku yeelatay noloshooda iyo mida qoysaskooda.

 

- Advertisement -