Amiirka Qatar oo digniin ka soo saaray xasuuqa ciidanka Israel ka wadaan Gaza

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Axad ah furay shirka Madasha Doha ee looga hadlayo xaalada bini’aadantinimo ee ka taagan Marinka Gaza.

“Waxaan maanta la kulannaa murugo aad u weyn iyadoo dunidu ay haysato dhibaatooyin isdaba-joog ah. Marinka Gaza ayaa markhaati ka ah masiibo bini’aadannimo oo aan horay loo arag taas oo ka dhigaysa dadka xorta ah ee adduunka inay weydiiyaan su’aalo sharci ah oo ku saabsan dabeecadda nidaamyada caalamiga ah iyo hufnaanta qalabka sharciga ah iyo mabaadi’deeda,” ayuu Amiirku u sheegay dadkii goobta joogay.

Isaga oo aan xusin Israa’iil, Amiirku waxa uu dhalleeceeyay beegsiga dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta, oo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah, wuxuuna sheegay in dhibaatadu ay muujisay farqiga weyn ee u dhexeeya Bariga iyo Galbeedka iyo jiilalka kala duwan”

“Dunida dhab ahaantii waxay u kala qaybsantay qaar ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo qaar ka warwareega inay ku baaqaan xitaa xabbad-joojin,” ayuu yiri Amiirka.

“Dadka qaar ayaa isku dayaya inay dib u qaabeeyaan khilaafkan sidii dagaal diimeed, si kastaba ha ahaatee, khilaafkani wuxuu ahaa welina yahay arrin ku saabsan dadka xuquuqdooda aayo ka talinta laga qaaday muddo dheer” ayuu yiri amiirka

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Halkan waa in aynu is waydiinnaa, waa kuma cida sida joogtada ah u hordhigaysa caqabadaha wax kasta oo la doonayo in lagu sugo nabadda, cilladahani waxay u oggolaanayaan colaadaha inay sii socdaan waxayna naga horjoogsanayaan inaan xal gaarno.”

Bishii hore, Qatar waxay heshiis la gashay Israa’iil iyo Xamaas   in si ku meel gaar ah loo hakiyo dagaalka si loo sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha iyo gelitaanka gargaarka bini’aadannimo ee Marinka Gaza.

- Advertisement -